Dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la kala diro Guddiga xiriirka ka hortaga Burcad Badeeda Soomaaliya.

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa golaha amaanka qaramada midoobay ugudbisay qoraal ku saabsan in la kala diro guddiga xiriirka ka hortaga burcad badeed Soomaaliya kadib markii aan sedexdii sano la soo dhaafay aan dalka laga diwaan galinin kiis afduub ee xaabadaha dalka.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baale oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kala diro guddiga maadaama sedexdii sano ee la soo dhaafay in xeebaha dalka laga diwaan galin afduub iyo dhacdooyinka iyadoo sanadkii ugu dambeeyay aanan la araga isku day xattaa.

“Sedexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diwaan galin kiis afduub Burcadeed taasi bedelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay urragtaa in laga maarmo Guddiga isla markaana loo baahanyahay in dib -u-eegis lagu sameeyo.

Sida qorshahu ahaa dhaqaalaha ku baxa guddiga waxaa ka mid ahaa in gudaha Soomaaliya laga dhiso xabsiyo iyo maxkamado lagu qaado dacwadaha dadka loo soo qabto kiisaska burcad badeeda hase ahaate waxa ay ka dhiseen dalalka Kenya Tanzania iyo siishilis waana sababta dowladda soomaaliya ay udooneyso in meesha la taaganyahay laga gudbo ayuu yiri Danjire abuukar Baale.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baale waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyo sidoo loo joojin lahaa kalluumeysiga sharci dara ah oo maraakiibta shisheeye ku hayaan gudaha dalka kuwa ku shuba wasaqda iyo sidii ay dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelan laheyd qaadista dacwadaha xeebadaha dalka ay uqaadi laheyd.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha baddeyna iyo sidoo kale inay muujiso awooda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda baddeyna gaar ahaa burcad badeeda iyo kuwa kale ee sharcidarada ah.

Danjire Abuukar Baale waxa uu sheegay in la joojiyay lacagtii lagu bixin jiray guddigaan sedexdii sano ee lasoo dhaafay isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay golaha amaanka qaramada midoobay ka sugeyso in lakala diro taa bedelkeedana laga shaqeeya dhismaha ciidamada illaalada xeebadaha dalka .

“Waxaan ku guuleysanay inaan xayirno dhaqaalihii lagu bixin jiray waxaana waa bedelkeeda dooneynaa inaan dib udhis ku sameyno ciidanka illaada xeebaha si aan awoodeyna kor ugu qaadno.

Ugu dambeyntii Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya abuukar Daahir Cismaan Baale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ula jeedada ugu horeysa ay tahay in masuuliyadda ilaallinta xeebaha Soomaaliya maadaama ay iyadu xaq uleedahay waajibna ay tahay in la helo ciidanka illaalada xeebadaha dalka.

hadalkaan ayaa yimid kadib markii uu wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan uu khudbad  ka jeediyay golaha amaanka qaramada midoobay oo looga hadlayay cusbooneysiinta hishiiska sanad kasto lagu cusbooneysiiyo howl-galka gudiiga .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...