Amb.Francisco Madeira oo muqdisho kula kulmay taliyaha cusub ee howlgalka tababarka ciidanka midowga Yurub ee soomaaliya.

Date:

Wakiilka midowga afrika ee soomaaliya Francisco Madeira ayaa la kulmay madaxa howlgalka tababarka ciidanka midowga Yurub  ee soomaaliya jeneraal Fabiano Zinzone.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Amisom ee xalane ayaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada ay midowga Yurub siiyaan howlgalka iyo wada shaqeynta dhinacyada ka dhaxeysa taas oo ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa amaanka iyo xasiloonida soomaaliya

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka Amisom Diomede Ndegeya.

Midowga Yurub waxay gacan weyn ka geystaan tababarka ciidanka soomaaliya iyo kuwa Amisom.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...