Wasiirka Qorsheynta XFS iyo Hant-dhowrka guud ee qaranka oo kawadahadlay Mashaariicda dalka+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Jamaal Xassan ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Hanti-dhowrka Guud Qaranka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Afgoye.

Hanti-dhowrka Guud Ee Qaranka ayaa sharaxaad laga siiyay Nidaamka maareynta deeqaha caalamiga ah (Somali Aid Information Management System), Sidoo kale hanaanka Kormeerka iyo Qiimeynta loogu sameeyo Mashaariicada ka socda Dalka oo dhan.

Ugu dambeyn Hanti-dhowrka ayaa bogaadiyay daddaalada baaxada leh ay wado Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Sidoo kale Wasiir Jamaal ayaa u Ifiyay hanti-dhowrka in ka Wasaaradda ahaan ay la shaqeyn doonan macluumadka la xariira deeqaha sida loo qeybo meelaha ay ka socdan iyo waqti Mashruuca ku egyahay.

Wasiir Jamaal Waxaa kullanka ku wehliyay qaar ka mid ah Agaaasimi waayaha iyo madax qeybad.
-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta & Xariirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarimta Dhaqaalaha XFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...