Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan 306 milyan.

Date:

Heshiiskaan oo dowladda Faransiisku Soomaaliya uga cafisay 306 milyan oo dolarka marekanka ah ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale iyo Safiirka Dowladda Faransiiska ee Soomaaliya iyo Kenya Aline Mรฉnager

Tani waa tilaabo kale oo Soomaalliya ay u qaaday ka guul gaarista wadahaldalka deyn cafinta oo maraya barta goโ€™aan qaadashada.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiska kadib u waramay Warbaahinta Qaranka wuxuu sharxay muhiimada ay nooledahay ย heshiiskan.

โ€œFaransiiska waxa weeye wadanka 4aad ee lacagta ugu Badan naguleh, wadanka 1aad waa Maraykanka, wadanka 2aad waa Ruushka halka kan 3aad uu yahay Talyaaniga, faransiisku wuxuu nagu lahaa lacag dhan 560 milyan oo maanta 306 milyan oo kamida uu naga cafiyayโ€ ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka maaliyadda ayaa hadalkiisa ku daray in lacagaha soo harray lagu hishiiyay in muddo 3 sano gudohood ah hadii Soomaaliya ay deymo kale qaadan laga cafin doono

Horey Soomaaliya waxaa deymaha ugu cafiyay ย Wadamo iyo Heyโ€™adaha dhaqaalaha Caalamka waxaana talaabada Faransiiska uga cafiyay Soomaaliya lacagtan ayaa ku timid dib u habeyntii maaliyadda iyo guulihii Soomaaliya ka gaartay wadahadalka dayn dhaafka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...