Ra’iisul wasaaraha XFS oo Mucaaradka kala hadlaya Arrimaha Doorashooyinka.

Date:

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu ka dhaadhiciyo guddiyada iyo waxyaabaha loo igmaday.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in guddiyadu ay yihiin kuwo ku imaaday heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen dowladda federaalka, dowlaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo xusay in mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu ka rajeynayo in si daacad ah ay u gutaan.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga wadashaqeeyo sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka oo guddiga loo xilsaaray.

Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane,Maxamed Xuseen Rooble ayaa caddeeyay inuu musharaxiinta kala hadli doono cabashooyinka si uu u fahamsiiyo guddiga iyo shaqada hortaalla.

“Waxaa jiro rag walaalahey ah oon si fiican u garanayo oo musharaxiin ah oo walaac ka muujiyay guddiyadaas lasoo magacaabay,waxaan walaalahey ka codsanayaa in aan diyaar u ahay markasto sidii aan u fahamsii lahaa,si walaaltinimo ku jirtana aan ulana tasha lahaa waxa lasoo magacaabay inay yihiin wax macno leh oo ummadda ka gudbinaya doorashooyinka una gudbinaya xukuumad cusub”ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhaliilsan habka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, iyagoo tilmaamay in ay ku jiraan shaqaale dowle iyo xubno ka tirsan ciidanka amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...