Dowlada Itoobiya oo beesha caalamka uga digtay faro-gelin lagu sameeyo Arrimaha Gudaheeda.

Date:

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ka gaabsadaan faro galin kasta oo aan sharciga caalamiga ku qotomin, taas oo ku saabsan arrimaha gudaha Itoobiya .

War qoraal ah uu ra’iisul wasaaraha soo saaray ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay awooddo in arrimaha ka socda dalkeeda sharciyadeeda ku xaliso oo aan loo baahneyn faro galin shisheeye.

Abiy wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay ka mid tahay waddamada wax ka aasaasay Qaramada Midoobe islamarkaana sharciga Qaramada Midoobe uu si cad u qeexayo in aan dal kasta xaq u leeyahay ilaalinta midnimadiisa iyo madaxbanaanidiisa.

Hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada caalamka ee ku wajahan in wada hadal lagu xaliyo xiisada ka taagan waqooyiga dalkaasi.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobe ayaa shalay yeeshay kulan gaar ah oo diirada lagu saarayay xaaladda Itoobiya

Sidoo kale waxaa maanta dhamaaday 72-saac oo dowladda Itoobiya u qabatay ciidanka TPLF, iyaga oo sheegay in haddii saddex cisho dhamaato ay weerari doonaan magaalada Mekelle ee xarunta is-maamulka Tigreega.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...