Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed oo ka hadlay qorshaha uga degsan waxbarashada carruurta aan waxba heysan+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Waxbarshada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Yuusuf Xasan Waliid ayaa sheegay in mashaariic horumarineed laga hirgeliyay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Mudane Maxamed Yuusuf Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in mashaariicda uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble xariga ka jaray ay qeyb ka ahayd iskuul loogu talagalay inay wax ku bartaan carruurta agoonta ah iyo kuwa waalidiintooda aysan awoodin inay geeyaan iskulaadka sida gaarka ah loo leeyahay.

“Koonfur Galbeed waxa ay ka koobantahay 18 degmo, saddex ka mid ah Nabadiidka Al-Shabaab ayaa heysta, laakiin dadkii deganaa ayaa u soo guuray degmooyinka dowladdu gacanta ku heyso, waxaana noo qorsheysan in dadka soo barakacay aan u diryaarino xarumo waxbarasho oo u gaar ah”.ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waalidiinta ku boooriyay inya dhiiri geliyaan waxbarashada carruurtooda oo ay siiyaan fursado ay wax ku bartaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...