Jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada Durban ee K/Afrika iyo Mas’uulin kasocotay Safaaradda Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay magaalada Durban.

Date:

Mas’uulinta Safaaradda oo uu hogaaminayo Danjiraha oo ay wehliyaan Uqeybsanayaasha Ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa socdaal ku tagay magaalada Durban,waxeyna kulamo la qaateen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida.

Kulankan ayaa kasoo qeybgalay  Ganacsato,Waxgarad,Aqoonyihanno iyo Arday waxa ka barata Jaamacadaha Gobolkaas,ayaa si weyn u soo dhaweysay Mas’uulinta waxa ayna ka codsadeen in ay Safaaraddu ka warqabto ganacsatada Gobolka KZN oo ah ka mid ah Gobolada ganacsatada Soomaalida boobka loogu geysto.

Uqeybsanayaasha Ganacsiga iyo Waxbarashada,Abdirahman Maxamed Xaaji Xasan iyo Cabdi Xalane Xirsi ayaa sheegay inuu safarkooda la xiriiro ka warqabka Jaaliyadda qaar ka mid ah Gobolada Soomaalidu u badantahay,waxaana horay ay Mas’uulintan safaro noocani ku tageen qaar ka mid ah Gobolada Soomaalida u badantahay ee K/Afrika.

Danjire Maxamed Cali Mire ( Nabadoon ) ayaa sheegay in safarkooda la xiriiro ka warqabka Jaaliyadda Durban iyo wacyagalinta dilalka oo bata xilliyada sanad dhamaadka iyo waliba sidii adeegga Safaaradda loo gaarsiin lahaa Gobolka KZN.

WD:C/qaadir Axad Dhaqane,Durban

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha XFS oo Kulan wada jir ah ka Yeeshay Xoojinta Arrimaha Shaqooyinka Qaranka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane...

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...