Ciidamo badan oo ka tirsan TPLFoo isu dhiibay ciidanka dowladda Itoobiya

Date:

Golaha xaaladda deg dega dowladda Itoobiya u xilsaartay howlgalka ka socda Gobalka Tigreega ayaa sheegay in ciidamo badan oo ka tirsan TPLF ay isa soodhiibeen.

War qoraal ah oo golaha ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ciidankan oo ka faa’iidasanaya baaqii dowladda ee ahaa in ay isudhibaan 72-saac, ay isu soo dhiibeen ciidanka dowladda.

Gobalka Cafarta oo dhanka bari Tigreega xuduud kala leh ayaa la sheegay in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa gaarka ah ee TPLF ay iska soo dhiibeen.

Dhinac Koonfureed waxaa gobalka Tigreega ka xiga Ismaamulka Amxaarada, waana meelaha ay ciidanka dowladda duulaankii ugu horeeyay ka soo qaadeen .

Dhinaca waqooyiga waxaa ka xiga dalka Eritrea waxaana sidoo kale duulaan ka soo qaado dhanka waqooyi ciidanka dowlada Itoobiya oo qabsaday magaalooyinka waqooyiga ku yaalo.

Dhinaca galbeed waxaa ka xiga dalka Suudaan halkaas oo dad badan oo colaadda ka cararaya ay u baxsadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...