Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda XFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka kalluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan warsame, wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo xuno kale oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta wasiirka cusub isagoo u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta soo dhaweeyo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar, waana kula shaqeynayaa si uu uguto waajibaadka culus ee loo igmaday” ayuu yiri wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa uga mahadceliyay xubnaha soo dhaweeyay, waxaana sidoo kale uu madaxweynaha dalka iyo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda uga mahadceliyay magacaabista isagoo xusay in  uu halkeeda kasii wadayo shaqada loo igmaday.

“Waxaana marka hore uga mahadnaqayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka fursada ay isiiyeen inaan ka mid noqdo xukumadda si aan qeyb-uga noqdo hannaanka lagu xoojinayo dowladnimada,sidoo kale waxaan u mahadcelinayaan wasiirkii hore wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 20-kii bishaan isbeddel uu ku sameeyay wasaaradda arrimaha dibadda ugu magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...