Shaqaalaha Wasaaradda waxbarashada,Hiddaha iyo tacliinta sare oo ka qeyb qaatay Ololaha kaltanka #Isxilqaan+(SAWIRRO).

Date:

Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ka qeyb galay ololaha Isxilqaan wareegiisa 16-aad.

Ololaha ayay howlwadeennada Wasaaradda Waxbarashada ka fuliyeen maanta dhismaha Guriga hooyinka Qaranka ee lagu maamuusay (Hooyo Baxsan) kaasi oo ka mid ah xarumaha danta guud  ee lagu dhisayo Isxilqaan.

Isu duwaha ololaha Isxilqaan Ismaaciil Cali Cabdullaahi ayaa shaqaalaha dowladda ku ammaanay dadaallada dib u dhiska dalka, isagoo wasaaradda waxbarashada uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadaneyso ololaha.

Barnaamijka Isxilqaan ayaa ah barnaamij qiimo wey u leh bulshada Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisayo xarumaha danta guud, kuwaasi oo haatan meel gabo gabo ah maraya dib u dhiska kooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...