Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay golaha wasiirrada Koonfur galbeed+(SAWIRRO).

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kula shiray golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaalya, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta dhexdooda ah iyo tan kala dhaxeysa xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed inay la shaqeeyaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, Odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee arrintaas ka shaqeynaya, si loogu guuleysto qabashada doorasho hufan oo caddaalad ah ku dhacda.

Raโ€™iisal Wasaaraha wuxuu sidoo kale kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Koofur galbeedย  wuxuuna uga waramay ujeedada socdaalkiisa Koofur galbeed, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadgalyada, la dagaallanka argagixisada iyo isku haynta iyo heshiisiinta bulshada.

Waxa uu Raโ€™iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshadu ka qeyb qaataan la dagaallanka xagjirka iyo u caqli celinta dhallinyarada la marin habaabiyay.

ย  ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...