Raโ€™iisul wasaare Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo+(SAWIRRO).

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay Maanta gaareen ย Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Cadaallada Soomaaliya, Xubno Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka Raโ€™iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Baydhabo, hayeeshee wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeeda uu yahay dardar gelinta howlaha doorashoyinka iyo Amniga, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Raโ€™iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa joogitaanka Raโ€™iisul Wasaare rooble oo Maanta halkaasi tgay tan iyo markii loo Magacaabay xilka Raโ€™iisul Wasaaraha.

ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hayโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...