Raโ€™iisul wasaare Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo+(SAWIRRO).

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay Maanta gaareen ย Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Cadaallada Soomaaliya, Xubno Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka Raโ€™iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Baydhabo, hayeeshee wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeeda uu yahay dardar gelinta howlaha doorashoyinka iyo Amniga, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Raโ€™iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa joogitaanka Raโ€™iisul Wasaare rooble oo Maanta halkaasi tgay tan iyo markii loo Magacaabay xilka Raโ€™iisul Wasaaraha.

ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...