Xuska maalinta macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Date:

Munaasabadda xuska 46 sano guuradii kasoo wareegtay maalinta macalinka soomaaliyeed ee 21 Novembar ayaa maanta waxaa magaalada Gaalkacyo uga qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Galmudug, maamulka dagmada Gaalkacyo, macalimiinta wax ka dhiga qaar ka mida  dugsiyada hoose dhaxe iyo sare ee magaalada iyo waalidiin.

Munaasabadda oo ay soo agaasintay wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay macalin  Abshir Maxamed Cali oo kamid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Galmudug isagoo tilmaamay in ay u taaganyihiin kobcinta garaadka iyo aqoonta ardayda ku nool deegaannada Galmudug.

Ku xigeenka duqa dagmada Gaalkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi ayaa ka mahad celiyay qabashada munaasabadda xuska maalinta macalinka soomaaliyeed, isagoo dhanka kalana xusay in dagmadu ay la shaqeyn doonto bahda waxbarashada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Khaliif ayaa sheegay in wasaaradda waxbarshada Galmudug ay xoogga saari doonto ka warheynta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla deegaannada Galmudug iyo maamuuska ay mudanyihiin.

Munaasabado lagu weyneynayo maalinta macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka November ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka,waxaana ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...