Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo laba Mashruuc muhiim ah kala wareegtay Hay’adda FAO+(SAWIRRO).

Date:

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa Hay’adda Qaramada Midoobay uqaabilsan Beeraha iyo cuntada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano FAO kala wareegtay maamulka Mashruucyada FSNAU iyo SWALIM oo ka shaqeeya Arrimaha waraabka iyo sugnaanta cuntada.

Agaasimayaasha iyo Qubarada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan ay ku falanqeeyay guusha ay Wasaaraddu ka gaartay lasoo wareegidda ay FAO kala soo wareegtay labada mashruuc ee  kala ah FSNAU iyo SWALIM oo ka shaqeeya Arrimaha Waraabka iyo sugnaanta cuntada, kuwaas oo muhiim u ah dalka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukumudda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in 20 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda beeraha ay ka howl galeen labada mashruuc, kuwaasoo noqonaya kuwa sida tooska ah ula wareegi doona shaqooyinka ay qaban jireen Hay’adahaas oo ay horey u maamuli jirtay FAO.

“Waxaan maanta yeelanay shir ay ka soo qeybgaleen quburada Wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee qaabilsan arrimaha Waraabka iyo badbaadada cuntada, shirkaas oo looga gol lahaa  in la iska xogwareesto geegdi socodka la soo wareegidda Hay’adaha FSNAU iyo SWALIM oo muddo dheer ay gacanta ku haysay Hay’adda FAO, taasoo lasoo wareegiddeeda ay Wasaaraddu ku howlaneyd muddo labo sano ah, haatana ay la soo wareegtay” ayuu yiri Wasiirka Beeraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...