Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Cumar Carte Qaalib.

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa uga tacsiyadeeyay Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Marxuumka ayaa muddooyinkan dambe ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariistee Marxuum Cuar Carte Qaalib waxa uu ku dhashay Gobollada Waqooyi ee dalka sanadka marka uu ahaa 1930-kii.

Dowladdii dhexe ee dalka intii  u dhexeysay 1969-77-kii waxa uu ka soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

24-kii Janaayo sanadkii 1991-kii ka hor inta aan la ridin dowladdii dhexe ee dalka waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, laakiin inta uusan soo dhisan gole Wasiirada labo maalin kaddib waxaa la riday dowladdii dhexe 26-kii Janaayo 1991-kii.

Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayuu marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu ka noqday Ra’iisul Wasaare intii u dhexeysay 1991-kii ilaa iyo 1993-dii.

Xogta taariikhda: Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...