Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee Puntland oo galabta lagu qabtay Garoowe.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa bogaadiyey orodyahanada tartanka ka qeybgalay oo ka kala yimid Gobolada Puntland iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha shaqada wanaagsan ee ay qabteen.
Tartanku markii uu dhammaaday waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeen Dowlad Goboleedka Puntland uu Abaalmarin isugu jirta lacag iyo bilado guddoonsiiyey saddexdii orodyahan ee kaalmaha hore galay, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cabdinuur Jaamac oo kaalinta koowaad galay, Fu’aad Siciid Cali oo isna kaalinta labaad galay iyo Maxamed Muxiyadiin oo kaalinta saddexaad galay.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka iyo kan degmada, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.