Ku-simaha Madaxweynaha Punland oo madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Shaqada XFS+(SAWIRRO).

Date:

Ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka ah mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo.

Wafdiga wasiirka oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayna qayb ka ahaayeen masuuliyin ka tirsan bangiga aduunka iyo Mashruuca Baxnaano iyo ayaxa ayaa saakay kormeeray deegaanka jibba galle oo ah deegaan beeralay iyo dhul daaqsimeed isugu jira uuna saamayn ku reebay ayaxii inta badan ku habsaday dhul daaqsimeedka Soomaalida.

Wafdigan wasiirka ayaa si doo kale kulan gaar ah oo saxaafadu banaan joog ka ahayd kula qaatay aqalka Madaxtooyada Puntland Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash iyo masuuliyin ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in kulama kala duwan la qaato madaxda wasaarada Shaqada,shaqaalaha,Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayna ka wada hadlaan islaashiga labada dhinac,mashruuca Baxnaano iyo barnaamijka lagu taageero shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya ee uu taageero Bangiga aduunku.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qaabilay Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo Garoowe kaga qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jama Deperani ayaa ka warbixiyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...