Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay dad loo heysto dilka qoys lagu laayay Degmada Warsheekh.

Date:

Ciidamo ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gal ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dil Hooyo & lanba Carruur ah oo ay dhashay, loogu geystay duleedka degmadaasi.

Howl-galkaan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Hir-Shabeelle Ismaaciil Xaadoole, Saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Warsheekh,

Ciidamada ayaa  waxaa ay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa oo xilli habeen ah degaanka xaluule loogu geystay Hooyo umul aheyd iyo laba Carruur ah oo ay dhashay.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa balan ku qaaday in qof walbo oo falkaan ku lug lahaa sharciga lala tiigsan doono.

Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa bishaan gudaheeda waxaa ka dhacay dilal foolxun oo la xiriira aanooyin qabiil oo Sanadihii la soo dhaafay ka taagan degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh iyo Cadale, waxaana maamulka gobolka shabeellaha dhexe ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...