Wasiirka Warfaafinta XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa istiraatiijiyada Warbaahinta ee UNSOM+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa istiraatiijiyada warbaahinta xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Ari Gaitanis.

Kulanka oo ay labada mas’uul ku wehlinayeen agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mudane Cabdinaasir Xuseen iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda, waxaa looga hadlay dardar gelinta wada shaqeynta dhaw ee ku aaddan doorashooyinka dalka iyo iskaashiga labada dhinac, kaas oo ay garwadeen ka tahay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Madaxda istaraatiijiyada warbaahinta xafiiska UNSOM Ari Gaitanis ayaa Madaxda wasaaradda warfaafinta ku ammaanay shaqada culus ee ay ka hayaan wasaaradda gaar ahaan warbaahinta Qaranka iyo u diyaar garowga doorashooyinka dalka.

Wasiirka warfaafinta Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in warbaahintu ay dowr muhiim ah kaga jirto doorashooyinka dalka,wasaaradduna ay tahay hoggaanka warfidiyeenka dalka, isagoo xafiiska warbaahinta UNSOM uga mahadceliyay booqashadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...