Hayโ€™adaha Dastuurka oo kulan la yeeshay Golaha Sharci Dajinta Hirshabelle+(SAWIRRO).

Date:

Hayโ€™adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Guddoga Lasocodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan miro dhal ah magaalada Jowhar kula yeeshay Golaha sharci dejinta Hirshabelle kaas oo loga wada hadlay dadaaalada lagu dhammaystirayo dib-u-eegista dastuurka.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd soo uruurinta aragtida baarlamaanka dowladd goboleedka Hirshabelle ay ka qabaan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista faramo lagu sameeyay, waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha sharci dejinta Hirshabelle Mudane Abdihamkiim Luqmaan.

Ugu horrayn, kulanka waxaa kalmad furitaan ah ka jeediyay madaxda hayโ€™adaha Dastuurka oo uu ugu horreeyo agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Dastuurka mudane Maxamed Abuukar Zubayr isagoo sheegay in hayโ€™adaha Dastuurku ay soo dhammaystireen dib-u-eegisti farsamada islamarkaana loo baahanyahay in lagu daro aragtida ay hirshabelle ka qabaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay.

Agaasime Zubayr ayaa xusay in latashiyo badan lagala yeeshay hayโ€™adaha kala duwan ee dowlad goboleedka hirshabelle arrimaha dastuurka, maantana ay muhiimadda ugu wayn tahay in ay helaan aragitidii laga sugaayay dowladda hirshabeelle gaar ahaan golaha sharci dejinta.

โ€œHayโ€™adaha Dastuurku waxay rajaynayaa in dib-u-eegista Farsamo ay hor geeyaan baarlamaanka si uu dood uga yeesho ka dibna ansixiyo, sidaa darteed waxaan uruurinaynaa aragtiyihii ugu dambeeyay ee nuqulkii labaad ee la idinla wadaagay bishii Maarso 2020, si loogu daro aragtiniina nuqulka saddexaad ee baarlamaanka la horgayn doonoโ€ ayuu yuri Agaasime Zubayr.

Dhanka kale, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa bogaadiyay howsha mugga leh ee ay hayโ€™adaha dastuurka ka soo qabteen dib-u-eegista Dastuurka, waxayna ballaqaadeen in ay aragtidooda u soo gudbin doonaan si dhaqsi ah.

Hayโ€™adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa qodoabada farsamada ee dib-u-eegista lagu sameeyay, si howhsa laga soo qabtay dastuurka aysan u noqon mid ma dhalays ah oo sanad kasta dib loo soo bilaabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...