Waxaa Meel Fiican Maraayo Mashruuca Dhismaha Waddo Xariirisa Magaalooyinka Gaalkacyo Iyo Hobyo ee Gobolka Mudug+(SAWIRRO).

Date:

Mashruuca isku tashiga dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka galkacyo iyo hobyo ayaa haatan maraya meel fiican taasna waa mid muujinya sida uu u mira dhali karo haddii la helo iska kaashi bulsho.

Dr Maxamed Cabdi Axmed oo ka mida howl wadeenada gudiga gob ayaa warbaahinta qaranka uga waramay halka uu marayo dhismaha wadadaasi iyo mar xaladihii kala duwaana isagoona xusay in haatan uu meel gabo gabo ah marayo loona baahan yahay in xoogga la saaro dhameystirkeeda.

Ugaas farxaan Maxamed dhoore oo ka mida qurba joogta soomaaliyeed ee ku nool dalka swedan isla markaana ka qeyb qaatay iskaashiga dhismaha wadadaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay halka maanta ay mareeyso kadib kormeer isaga iyo gamacsato soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Ganacsade Cumar Cali hilowle ay ku sameeyee. Ilaa 100 km oo ka mida 160 km oo lagu guuleeystay in lagu dhiso awooda shacab iyadoo aysan maalgalin wax dowlad ama hay’addo kale.

Mashruuca dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka galkacyo iyo hobyo ayaa ah mashruuc isku tashi oo baaxad weyn isla markaana tusaale fiican u noqan kara in bulshada soomaaliyeed ay isku tashi wax ku qabsan karaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...