Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya ee Wasaaradda Qorsheyta JFS oo ku Biiray Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Aduunka.

Date:

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya ee SOMINVEST, oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa ku biiray Ururka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga ee Adduunka (WAIPA) oo ay ku bahooben in ka badan 170 hay’adood oo dhiirigeliya maalgashiga oo ku kala yaal 130 dal.

WAIPA ayaa ka cawinta hay’adaha dhiirigelinta sidii aay sare ugu qaadi lahayeen karaankooda ku aadan dhiirigelinta maalgashiga, sidii hay’aduhu isu dhaafsan lahayeen khibradaha dhiirigelinta maalgashiga iyo in sidi Dowlahda looga cawini lahaa hagaajinta iyo casriyeynta guud ahaan jawiga maalgashiga.

Sidoo kale, WAIPA waxa ay sare u qaadeysa xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dhiirigelinta maalgashiga dunida isla markaasna u diyaarinaysa doodo iyo cilmi-baaris ku aadan hannaanka dhiirigelinta maalgashiga.

“Waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ku howlan dhiirigelinta maalagshiga waddanka Soomaliya. Waxaan, si gaar ah, ugu mahadcelinaya intii gacan ka geysatay gaarista hiigsigan ku biirista hay’addan caalamiga ah sida howl-wadeennada Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga” ayuu yiri Mohamed Dubo, Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST).

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomalaiya ayaa ku howlan soo jiidashada iyo hanashada maalgashi shisheeye si sare loogu qaado jawiga maalgashi ee dalka, loo dhaqan geliyo Qorshaha Horumarinta Qaranka isla markaana loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed fursado shaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...