Ku simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Qaabiley Wefdiga Wasiirka Haweenka Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Ku simaha madaxweynaha Koofur Galbeed, ahna afhayeenka baarlamaanka, mudane Cali Saciid Fiqi iyo Wasiirka haweenka Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta ka wada hadlay sida ugu habboon oo lagu xaqiijin karo, qoontada siyaasadeed ee dumarka oo ah 30%, ka dib markii  uu xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ay hogaamineyso Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya,  oo booqasho ku jooga magaalada Baydhabo.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, ayaa guddoomiyaha la wadaagtay u jeeddada socdaalkooda oo ah ilaalinta kuraasta dumarka ay ku leeyihiin golliyaasha dowladda, iyadoo xustay, in ay aaminsan tahay in maadaama haweenku, tiro aad u badan ka yihiin bulshada Soomaaliyeed, in ay waajib tahay in door ku yeeshaan gollaha baarlamaanada dalka.

Wasiir Xaniifa, waxay sidoo kale, adkeysay, sida lagama maarmaan u tahay, maadaama haweenku yihiin dadka uu sida weyn u saameeyo shuruucda dalka loo soo saaro in ay door muhiim ah ka cayaaraan dejinta sharciyada wadanka.

Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade), wasiirka haweenka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in maamulka Koofur Galbeed ku amaanan yahay, sida uu u qiimeeyay haweenka oo si weyn uga dhex muuqda golliyaashooda, marka loo barbar dhigo maamulada dhiggooda ah.

Cali Saciid Fiqi, afhayeenka baarlamaanka Koofur Galbeed, ayaa soo dhoweeyay wefdiga wasiirka haweenka, isagoo xusay in Koofur Galbeed markii horeba ay hormuud u aheyd u ololeynta horumarinta haweenka Soomaaliyeed agaar ahaan dhanka siyaasadda.

Waxaa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuq siyaasadeedka dumarka Soomaaliyeed sidii horeyba caanka ugu ahaayeen.

Wasiirka haweenka Soomaaliya Xaniifo Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa hadda wadda olole loogu magac daray u qareemidda haweenka ee arrimaha siyaasadda gaar ahaan xaqiijinta qoontadad dumarka ee ah 30%.

Wefdiga wasiirka ee Baydhabo soo gaaray waxaaa kamid ahaa xildhibaan Canab Xasan Cilmi iyo Xildhibaan Aamina Xasan Cali oo ka tirsan gollaha Shacabka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Tacsiyeynaysa Geerida Danjire Axmed Cabdalla Maxamed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Yaaqshiid oo u gudubtay wareega labaad ee Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...