Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden oo Ron Klain u Magacaabay Madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad.

Date:

Madaxweynaha Dooran ee Mareykanka Joe Biden ayaa u magacaabay Madaxa Shaqaalaha ee Aqalka Cad Ron Klain oo lataliye u ahaa mudo dheer ah islamarkaana qeyb weyn ka ahaa Ololaha Doorasadiisa.

Madaxweynaha la doortay Mr. Joe Biden ayaa Arbacadii 11 November 2020 u magacaabay Ron Klain inuu noqdo madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad magacaabidiisii ​​ugu horreysay oo muhiim ah, maadaama uu dhisayo maamulkiisa iyadoo wali uusan madaxweyne Donald Trump aqbalayo natiijada doorashada.

Ron Klain oo 59 jir ah wuxuu ahaa madaxa shaqaalaha ee Joe Biden markii uu ahaa madaxweyne ku xigeen Mamulkii Madaxweyne Barack Obama Haseyeeshee waxaana si weyn loo filayay in loo magacaabo Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Hadii Biden la doorto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo hambalyo u dirtay xubnaha ku guuleystay doorashadii Golaha Deegaanka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...