Dibadbaxyo lagu taageerayo howlgallada Dowladda ka waddo Ismaamulka Tigreega oo ka dhacay Itoobiya+(SAWIRRO).

Date:

Dibadbaxyo lagu taageerayo Dowlada Itoobiya isla markaana looga soo horjeedo Ismaamulka Tigreega ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Itoobiya.

Kumanaan qof aya isugu soo baxay Ismaamulada Oromada, Cafarta iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan howlgalka dowladda ee ka dhanka ah Maamulka Tigreega.

Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxa ugu weyn oo ay ka qeyb galeen ardayda iskuulada.

Dadka dibadbaxayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Maamulka Tigreega, waxayna sheegeen in ay dowladda garab taaganyihiin oo ay soo dhaweynayaan howlgallada ka dhanka ah Maamulka Tigreega.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...