Wasiirka Qorsheynta XFS oo Xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Hay’adda FAO ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, ayaa  Kulan muhiim ah maanta layeeshay Agaasimaha Xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Cunada iyo Beerahaa Qaramada Midowbay FAO.

Kulanka ayaa looga hadlay Dardar galinta Qorshayaasha hay’adda Beeraha FAO, ee Soomaaliya iyo xoojinta Xariirka dowladda federaalka.

Sidoo kale kulanka ayaa laysku waydaarsadatay xogo muhiim ah oo dhinaca hormarinta beeraha iyo Cunada waxaana si wanaagsan laysku waafaqay arinkaasi.

Agaasimaha Hay’adda Beeraha QM ee Soomaaliya, Mr Etienne Peterschmitt ayaa ka mahadceliyay xariirka iyo wada shaqeynta wanaagsan ee Wasaarada Qorsheynta, waxaa uuna ballan qaaday in ay fulin doonan go’aanada  shirka ugu muhiimsan sida wareejinta  xogaha ay aruuriyeen,  tasoo xoojinayso wada shaqeynta labada dhinac.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan  Wasiirka wasaaradda Qosheynta Maal- gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya, ayaa dhankiisa tilmaayay in kullankan muhiimad weyn xabaarsanaa, si dowladda Soomaaliya ay kala wareegta xogta dalka ay ka aruurisay dhinacyada ay ka shaqeynso tasoo muujinayso Awooda hay’adda Istaatiijida Qaranka.

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa wado daddaalo lagu xoorinayo Hay’adda Istaatiskada Qaranka oo ah howsha loo igmaday Wasaarada aruurinta, keydinta iyo baahinta xoggaha wadanka ee ay wasaaradda doonaysaa in ay kala wareegto hay’adaha xoggaha ka haayo dhinacyada ay Soomaaliya ka taageeran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...