Saraakiisha Ciidamada Jabuti oo Agab Isborti ku wareejiyay Gudiga ciyaaraha Gobolka Hiiraan+(SAWIRRO).

Date:

Saraakiisha Ciidamada Dalka Jabuuti ee kamid ah howlgala AMISOM ee Gobolka Hiiraan Ayaa Qalab Sports oo dhameeystiran ku wareejiyay xiriirka kubada cagta ee Gobolka iyo kan Degmada Beledweyne si loogu horumariyo ciyaaraha Gobalkaasi.

Munasabad kooban oo lagu wareejinayay agabkaasi sports oo ka kooban qeybo badan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Maamulka Gobolka, Sarakiisha Jabuuti ee AMISOM iyo Ururadda Bulshada ee Gobolka Hiiraan.

Sarakiisha Ciidanka Jabuuti ayaa sheegay in agabkan sports ay ugu talagaleen siddii laguย  hormarin lahaa Ciyaaraha iyo is dhexgalka dhalinyarada Gobolka gaar ahaa Magaalada Beledweyne.

Maamulka Ciyaaraha heer Gobol iyo heer Degmo ayaa ka mahad celiyay agabka sports ee ay Saraakiisha jabuuti ugu deqeen Ciyaaraha Gobolka waxayna sheegeen in waxbadan oo baahiyo Agab ahaa ay dabooli doonta islamarkaana lagu hormarin doono tartanada Ciyaaraha ee Gobolkaasi.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...