Waxaa sii kordhaayo Dilalka muwaadiinta Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Africa.

Date:

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay muwadin Soomaaliyeed ku dileen Gudaha dalkaas, kaas oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale ayaa  waxaa lagu dilay xaafada Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika, inkastoo Ragii dilka geystay ay goobta ka baxsaday.

Ciidamada Booliska ee Koonfur Afrika ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyada oo aysan u suurtagelin inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Weerarada  Soomaalida ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kusoo bateen gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana habeen ka hor weerar toreey loo adeegsaday lagu dhaawacay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xasan Cumar Jaliil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...