Madaxda caalamka oo u hambalyeysay Joe Biden iyo Kamala Harris.

Date:

Madaxda beesha caalamka ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mareykanka ee Joe Biden.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wsaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa hambalyo loogu diray Joe Biden oo ku guuleystay tartankii Madaxtinimo ee Mareykanka iyo Kamala Harris oo noqoneysa Madaxweyne ku-xgieenka dalkaas.

Ra’isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden iyo Kamala Harris oo iyana loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, isagoo xusay inay sii xoojin doonaan xiriirka diblomaasiiyadeed iyo kan saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxda dalalka Faransiiska, Norway iyo kuwa kale ayaa si wada jir ah u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamala Harris, waxaana qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Mareykanka ka socda dabaal degyo lagu muujinayo guusha ay gaareen hogaamiyeyaasha Xisbiga demoqraadiga ee kala ah Joe Bide iyo Kamala Harris.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...