Maamulka gobolka Banaadir oo shir deg deg ah ka yeeshay Saameynta Roobabka+(SAWIRRO)+(MUUQAAL).

Date:

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shir deg deg ah ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyay roobabkii ka da’ay caasimada kuwaasi oo saameyn ku yeeshay isu socodka Magaalada iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Ku simaha Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Axmed Xasan Iimaan oo ay wehliyaan kuxigeenada Howlaha guud iyo Bulshada ayaa warbixin la xariirta Xaalada Roobka ka dhageytay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.

Warbixinada ka dib ayaa loo sheegay in juhdi badan lagu bixiyo la tacaalida xaaladaha deg deg ah ee ay sababaan roobabka.

Dhanka kale Maamulka ayaa balan qaaday in ay gurmad u fidin doonaan dadka shacabka ah ee ay waxyeelada ka soo gaartay Roobabka waxaana sidoo kale Ganacsatada Dalka loogu baaqay in ay qeyb ka noqdaan gurmadka Shacabka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay Ajandaha Shirka waxuuna tilmaamay in shirku ahaa mid deg deg ah islamarkaana looga hadlay wax ka qabashada Xaalada Roobabku uu ka geysteen Gobolka iyo gurmadka loo fidinayo Dadka uu saameeyay dhinaca nolosha.

Ugu dambeyn waxaa uu maamulka sheegay in loo diyaar garoobayo roobabka xiga ee laga yaabo in ay da’aan si loo yareeyo saameynta faraha badan ee uu geysan karo.

Halkan ka DAAWO MUUQAALKA Warka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...