Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo goordhow la soo gabogabeeyay ayaa waxaa ku guuleystay C/xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.
Xilka guddoomiyaha golaha wakiilada Hirshabeelle oo ay ku tartamayeen Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) ayaa waxaa 77 ku guuleystay C/xakiin Luqmaan halka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) uu helay 21 taasoo ka dhigtay in uu ku guuleystay Gudoomiyaha Mr Luqmaan.
Xildhibaannada ka qeyb qaadanayay codeynta ayaa gaarayay 99 mudane, sida la sheegay Waxaa halaabay 1-cod.
Si kastaba Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle ayaa waxaa horyaalo Howlo badan.