Golaha Shacabka oo ansixiyey sharciga Diiwaangalinta Iyo Aqoonsiga dadweynaha.+SAWIRRO, +MUUQAAL,

Date:

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 8-aad ku yeeshay xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, waxaana ay ku ansixiyeen hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta Iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay ku sugnaayeen 143 mudane ayaa waxaa ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed, mana jirin xildhibanaad ka aamusay iyo mid diiday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay sidaas uu ansax ku yahay sharcigga Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.

Kulanka oo ay shir Guddoominayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sido kale waxaa Akhrinta 2-aad ay Xildhibaanaddu mariyeen Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka.

Halkan ka DAAWO MUUQAALKA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...