Kenya: Xuska Nabi Muxamad NNKH oo lagu qabtay Nairobi.

Date:

Munaasabaddan oo aheyd mid lagu maamusayay xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed NNKH ayaa lagu qabtay Masjidu Raxma oo ku yaalla xaaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Munaasabadda ayaa waxaa soo qaban qaban qaabiyay culimaa’udiinka ku nool magaalada Nairobi, waxaana ka qeybgalay qaar kamid ah culimada iyo jameecadda Masjidka.

Sheekh Feysal Cigaal Qeyliye oo ah Imaamka Masjidu Raxma iyo Shariif Maxamed Shariif C/fitaax oo isna ah Imaamka Masjidka Al Xaaq Plaza iyo culimada ASWJ ayaa ka sheekeeyay muhiimadda ay leedahay xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH.

Culimaa’udiinka ku nool dalka Kenya ayaa sanad walba marka la gaaro 12-ka Bisha Mowliid oo ah xilliga uu dhashay Nabigeenna Muxamad NNKH waxa ay si weyn u maamuusaan xuskaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...