Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Mas’uuliyiinta Maamulka cusub ee Gaalkacyo.

Date:

Sama-reeb (SONNA)-Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xafiiskiisa maantay ku qaabilay Duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sh Xasan iyo ku xigeenkiisa, ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaan ka bixiyey aragtida Galmudugta cusub ee degmooyinka Galmudug iyo waajibaadka horyaalla maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo, ayadoo dhanka kale guddoomiye C/raxmaan uu ballanqaaday inuu ku shaqayn doono tilmaamaha iyo siyaasaadka Galmudug, kana shaqayn doono horumarka iyo danaha dadka reer Gaalkacyood.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku booriyay Maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo inay bulshada ugu adeegaan si cadaalad ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...