Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka la wareegay +Sawirro.

Date:

Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xasan Macallin Khaliif oo dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas ayaa kala wareegay xilka Wasiir dawlihii hore Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaana munaasabadda xil wareejinta goob-joog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Xasan Macallin Khaliif Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyada oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiir dawlaha ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hortebinta leh ee Madaxtooyada Qaranka.

Dhankiisa, Wasiir dawlihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey iyo kuwa horyaalla Wasiir dawlaha cusub. Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha culus ee harsan.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiir dawlihii hore, waxa uuna kula dardaarmay Wasiir dawlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman.

Munasaabadda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Cumar Cali Rooble, Wasiir Ku xigeenka Amniga Gudaha Mudane Caadil Sheegow Sagaar, Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan.

       

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...