Fatahaadda Webiga Shabeelle Saameyn noocee ah ayuu yeeshay Warbixin.

Date:

Fatahaadaha iyo daadadka waa halista ugu weyn ay soomaaliya iminka wajaheyso taas oo ay weheliyaan ayaxa iyo Covid-19.

Warbixin ay soo saartay hey’adda OCHA ayaa lagu sheegay in afartii billood ee ugu dambeysay ay fatahaadaha sal kiciyeen Dad gaaraya 341,884 guud ahaan Soomaaliya .

Gobolada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee uu maro Wabiga Shabeelle ayaa ka mid ah meela saameynta xoogga leh ay fatahaaduhu ku yeesheen.

Gobalka Shabeelaha hoose waxaa ku barakacay oo fatahaaddu saameysay 180,133 qof laga soo billaabo bishii July ee sanadka sida lagu sheegay warbixinta OCHA.

Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isaguna waxaa fatahaadda Wabiga ku barakacay 131,422. Waxaa sidoo kale burburay dhul beereed baaxad leh gaar ahaan magaalooyinka Afgooye, Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay.

Gobolka Hiiraan waxaa ku sal kacay fatahaada Wabiga 28,000 waxaana jirta cabsi laga qabo Wabiga gaar ahaan magaalada Beledweyne oo uu Wabigu leeyahay meelo jilicsan oo uu ka fatahi karo.

Hey’adda FAO waxay sheegtay in cabirka biyaha Wabiga Shaeelle ee dhax mara magaalada Beledweyne uu iminka gaaray 7.5m waxaana ay ka digtay fatahaad hor leh.

OCHA ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso raahsiin yari ba’an 2.1 malyuun oo qof illaa bisha December ee sanadkan ayaa xaalku sii murgi doonaa hadii Wabigu mar kale fataho.

WQ: Maxamed Maxamuud Dhoore

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...