Ciidanka Xoogga dalka oo dilay 19 maleeshiyaad ah kuwo kalana Nolosha kuqabtay.

Date:

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaan qiyaastii 11 km u jirta degmada Diinsoor ee gobolka Baay, gaar ahaan Tuugaar hoose iyo Laba-warood kadib markii ciidanka ay ka war heleen in maleeshiyaad ka tirsan argagixisada ay isku aruursanayaan halkaasi.

Howlgalkaan oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyey cadowga ayaa ciidanka xoogga waxay ku dileen 19 maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda Alshabaab, waxayna nolosha ku qabteen labo dhagar qabe, iyagoo sidoo kale ciidanka gubey laba gaari oo kala ahaa Hoomeey Cabdi-bile sidoo kale dhaawaca ayaa garaaya 23 maleeshiyaad ah.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta codka ciidamadda Qalabka sida u sheegay in ciidanka ay ku guuleeysteen bur-burinta goobtii maleeshiyaadka Al-shabaab ay isku aruursanayeen, isla markaasna khasaare xooggan laga gaarsiiyay cadowga.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gobollada dalka kawada howlgalo lagu baacsanayo argagixisada, kuwaasi oo lagu dhabar jabinayo kooxda arxanka darran ee Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...