Xuutiyiinta Yeman oo sii daayay labo muwaadin oo Amerikaan ah.

Date:

Dowladda Cuman ayaa diyaarad u dirtay magaalada Sanca ee Yemen halkaas oo ay geysay 250 maxbuus oo Xuutiyiin ah kuwaas oo lagu hayay dalalka Khaliijka iyo meelo ka baxsan, waxay qeyb ka tahay waxa loogu yeerey maxaabiis isdhaafsi.

“Iyadoo la fulinayo awaamiirta Sultan Haitham bin Tariq, ayaa mas’uuliyiinta arrintan quseyso waxay la xiriireen Sanca ayagoo soo daayay muwaadiniinta Mareykanka ah oo Saltanada Cuman keenay ka hor inta aan loo duulin dalkooda ,” sidaa waxaa baahiyay telefishinka dowladda Cuman.

Dowladda Mareykanka waxay soo dhaweysay sii daynta Sandra Loli iyo Mikale Gidada oo ku jirey xabsi Xuutiyiintu maamulaan, sidoo kale waxaa hadda gacanta ugu jira Bilal Fateen kaas oo dhowaan la filayo in la soo daayo, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha Mareykanka Robert O’Brien.

Sandra Loli oo ahaa shaqaale samafal ayaa muddo saddex sano ah gacanta ugu jirey Xuuthiyiinta halka Mikael Gidada uu ganacsade ah hal sano heysteen kooxdaas.
Warbaahinta Cuman waxay kale sheegtay in Yemen dib loogu celiyay 250 oo laga kala keenay dalalka Khaliijka qaarkood meelo kale.

O’Brien ayaa Sultaan Haitham bin Tariq al-Said iyo boqor Salmanka Sacuudiga ugu mahad celiyay gacantii ay ku lahaayeen sii deynta muwaadiniinta Mareykanka.

Yemen ayaa xasilooni la’aan ku jirtay tan iyo 2014 kolkaas oo kooxda Xuutiyiinta la wareegeen dalka intiisa badan, 2015 bishii Maarso isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ayaa dagaal ka billaabay dalka Yemen ayagoo doonaya in ay xukunka ku soo celiyaan xukuumadda uu hoggaamiyo Cabdi Rabi Mansoor, dagaaladaas waxaa ku dhintay in ka badan 100,000 oo ruux halka malaayiin kale naftooda ka baxsadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...