WFP oo sheegtay in cuntada ay Iskoollada ku bixiso ay dhiirigalin u noqotay Waxbarashada.

Date:

Iyada oo maanta caalamku xusayo maalinka Cuntada Adduunka si loogu baraarugo baahida ayaa hey’adda WFP waxay ay sheegtay in cunnada ay siiso ardayda qaar ka mid ah iskuulada Soomaaliya ay sare u qaaday in carruur badan iskuulada loo diro.

WFP waxay tilmaantay in cuntada nafaqeysan ee diyaarsan ee la siiyo ardayda ay kaalin weyn sidoo kale ka qaadatay heerka waxbarasho ee carruurta.

Mashruucan oo kaalinta ugu weyn uu ka geysto dalka Shiinaha ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaraa gabdhaha taas oo dhiiri galineysa horumarinta waxbarashada gabdhaha.

Ardayda qaar ayaa la siiyaa raashiin ay guriga u qaataan iyo agab kale oo waxbarashada ka saacid a siiba gabdha.

Hey’adda WFP waxay sheegtay sanadkii 2019 in caruurta ay ka caawisay iskuullada guud ahaan Soomaaliya ilaa 200,000 arday, kuwaas oo hablo u badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...