Ra’iisul Wasaare Rooble oo baaq u diray Culimada Soomaaliyeed.

Date:

Ra’iisul wasaraaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa culimadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii xoojiyaan la dagaalanka iyo iftiiminta fikirka xagjirka maadaama bulshada Somoomaaliyeed ee u badan dhalinyaro loo baahan yahay in la gaarsiiyo sida ay Diinteena  islaamku uq eexeyeso.

Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu ku booriyay in la kordhiyo muxaadarooyinka sida maalmaha Jimcada iyo goobo kale si dadka loo gaarsiiyo dhibaatooyinka laga dhaxlayo Argagixisada gaar ahaa waxii ka dhacay 14-kii octobar isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho.

“Waa in la joogteeyo muxaadarooyinka looga hadlayo dhibaatooyinka argagixisada waa in la waaniyaan dhalinyarada,waa in la waaniyaan Hooyooyinka si loo goorsiiyo waxa ay diinteyna  naga reebeyso’ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad loogu duceynayay AUN dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay sedex sano ka hor isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho kaasi oo galaafsaday nolosha dad badan oo shacab ah, sidoo kalane ay dhibaatooyin kasoo gaareen dad kale oo ubadan rayidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...