QM “Waxaan murugada la qeybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay qaraxii 14-kii Oktoobar”

Date:

Munaasabadda sanad-guurada saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii Oktoobar 2017 ka dhacay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, Qaramada Midoobay ayaa maanta xustay dhibbanayaashii iyo dadkii ka badbaaday weerarkaas foosha xumaa waxayna carrabka ku adkeysay sida ay u garab taagantahay dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh.

Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxuushnimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017-kii lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Weerarka waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof wuxuuna ahaa weerarkii argagaxiso ee ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). Bololaal kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...