Degmada Shibis oo yeelaneysa Maxkamad u adeegta bulshada+sawirro

Date:

Degmada Shibis ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka Gobolka Banaadir, mana laheyn maxkamad shacabka ku nool ay u cadaalad raadsadaan, dacwooyinkooda waxay geyn jireen Degmada Shangaani oo daris la ah Shibis..

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Dr Maxamed Axmed Cusmaan Baari ayaa booqday maanta xarunta degmada Shibis, isaga oo ka jawaabaya baahiyaha dadka deegaankaasi ay qabaan.

Waxgaradka haweenka degmada oo kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in culeysyo badan uu ka heystay helida adeega garsoorka dalka oo ay ku qaadan jirtay degmooyinka baxsan xaafadooda.

Cali Axmed Cabdulle Guddoomiyaha Degmada Shibis ayaa sheegay in qorshooyinka Maamulkiisa uu ka mid yahay daboolidda baahiyaha dadka deegaanka ee dhanka Garsoorka.

”Waxaan diyaar u nahay ka maamul ahaan in aan ka shaqeyno adeegyada aad u baahan tihiin gaar ahaan garsoorka loo baahan yahay.” Ayuu yiri Guddoomiye Cali Axmed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Dr Maxamed Axmed Cusmaan Baari ayaa sheegay in balaarinta adeegga garsoorka Gobolka uu yahay tiirarka shaqadiisa, si dhaqsi ahna uu uga jawaabayo cabashada dadka Degmada Shibis

“Run ahaantii himilooyinka iyo yadadiidlooyinkii aan lahaa ayey qeyb ka tahay in aan sameeyo guud ahaan gobolka Banaadir in Degmo walba ay hesho maxkamad u gaar ah oo fulisa howlaha bulshada Degmada ay u baahan tahay waajib ayaana naga saaran baahinta adeega garsoorka dalka”. Ayuu yiri Dr Maxamed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa mudooyinkii dambe waxaa uu waday dadaallo lagu horumarinayo adeegga garsoorka gobolka Banaadir iyo sidii shacabka ay u heli lahaayeen garsoor tayo leh oo loogu geeyo degmooyinka ay ku nool yihiin.

 

 

 

           

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...