Nigeria oo baareysa xad gudubyo ay ku kaceen ciidankeeda gaarka ah.

Date:

Wasiirka arrimaha booliiska dalka Nigeria Muhammad Maigari Dingyadi ayaa sheegay in ay jirto baaritaano ku saabsan eedeyn ka timid dhaqan xumo ay ku kaceen ciidanka gaarka ah ee ka hor tagga dhaca, kuwaas oo la sheegay in shacabka u geystaan xadgudubyo joogto ah.

Axaddii, Taliyaha booliiska Nigeria Maxamed Adamu waxaa uu shaqada ka joojiyay ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka dhaca ee loo yaqaano Anti Robbery Squad.
Waxaa baraha bulshada Nigeria waxaa qabsaday hal ku dhig ah ‘hala soo gabagebeeyo SARS kaas oo ka dambeeyay markii ciidankaas gaar ah dileen wiil yar xilli ay howlgal ka wadaan magaalada Lagos, sabtidii la soo dhaafay.

Waxaa horey jirey baaritaano dowladdu sheegtay in ay ku sameynayso ciidanka lagu eedeeyo in ay ku tacadiyaan shacabka hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaankaas. Bulshada Nigeria waxay doonaysaa in ay hesho xogta ku  saabsan natiijada baaritaanada dowladdu horey u sameysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...