ICRC oo ka digtay in ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ay gaystaan dambiyo dagaal.

Date:

Hey’adda ICRC ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay dambiyo dagaal oo ay geysanayaan ciidamada Armenia iyo kuwa Azerbaijan ee dagaalka u ka dhex socdo.

ICRC waxay sheegtay in dhinacyada dagaamalaya ay si aan kala sooc lahayn u duqeynayaan magaalooyinka ay rayidku degan yihiin.

Hubka qarxa iyo madaafiic culus ayaa lagu garaacay magaalooyinka ay dadku aadka u daganyihiin, taas oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac daran isugu jira ayaa lagu yiri qoraalka ICRC.

Sidoo kale ICRC waxay sheegtay in duqeyntu burburisay goobo muhiim ah sida iskuulo, isbitaalo iyo kaabo yaal dhaqaale.

ICRC waxay tilmaantay in talaabooyinkan ay xad gudub ku yihiin sharciyada caalamiga ee xuquuqda aadanaha iyo kuwa dagaalada.

Dagaalka oo socda muddo laba todobaad ah ayaa ah kii ugu cuslaa ee dhax mara labada dal mudo 25 sano ah, waxaa ku dhintay in ka badan 250 qof, waxaana ku burburay hanti badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...