ICRC oo ka digtay in ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ay gaystaan dambiyo dagaal.

Date:

Hey’adda ICRC ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay dambiyo dagaal oo ay geysanayaan ciidamada Armenia iyo kuwa Azerbaijan ee dagaalka u ka dhex socdo.

ICRC waxay sheegtay in dhinacyada dagaamalaya ay si aan kala sooc lahayn u duqeynayaan magaalooyinka ay rayidku degan yihiin.

Hubka qarxa iyo madaafiic culus ayaa lagu garaacay magaalooyinka ay dadku aadka u daganyihiin, taas oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac daran isugu jira ayaa lagu yiri qoraalka ICRC.

Sidoo kale ICRC waxay sheegtay in duqeyntu burburisay goobo muhiim ah sida iskuulo, isbitaalo iyo kaabo yaal dhaqaale.

ICRC waxay tilmaantay in talaabooyinkan ay xad gudub ku yihiin sharciyada caalamiga ee xuquuqda aadanaha iyo kuwa dagaalada.

Dagaalka oo socda muddo laba todobaad ah ayaa ah kii ugu cuslaa ee dhax mara labada dal mudo 25 sano ah, waxaa ku dhintay in ka badan 250 qof, waxaana ku burburay hanti badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...