Sacuudi-Carabiya oo si taxadar leh u furtay gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada.

Date:

Boqolaal qof oo muwaadiniinta Sacuudiga ah ayaa lagu soo dhaweeyay misaajidka weyn ee Maka si ay acmaasha cumrada u gutaan ka dib toddobo bilood oo loo joojiyay sababo la xiriira fayraska corona.

Wajiga koowaad ilaa lix kun oo qof ayaa loo ogolaan doonaa inay acmaashooda ku gutaan misaajidka wayn ee Maka, waxaana marba marka ka sii dambaysa la kordhin doonaa tiradaasi ilaa iyo inta uu misaajidka ka buuxsamayo,dadka cumraysanayo ayaa waxaa laga doonayaa iney xirtaan maaskarada wajiga, isla markaanaa ilaaliyaan kala fogaanshaha  bulshada,dhanka kale misaajidka Xaramka ayaa maalintiiba waxaa la nadiifin doonaa ilaa toban goor.

Sacuudi-Carabiya ayaa qorsheyneysa in xujayda ajaanibta ee ugu horreysa loo ogolaan doono bilowga bisha Nofeembar ee sanadkan,Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sannadkaan ka mamnuucday dadka dibadda ah in ay soo xajiyaan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona,kaliya tiro aad u kooban oo ku nool boqortooyada ayaa gutay waajibaadka xajka, sida markii horeba lagu yiri bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda.

Qiyaastii tiro ka badan laba milyan oo qof ayaa si sanadle ah u booqan jiray goobaha barakaysan ee Maka iyo Madiina si ay u soo gutaan waajibka Xajka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...