Ra’iisal Wasaare Rooble oo ku wajahan dalka Kuwayt.

Date:

Ra’iisal-Wasaaraha  xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu dalka dibaddiisa ugu baqoolo tan iyo intiiloo Magacaabay xilkaas.

Ra’iisul Wasaare Rooble sida qorshaysan wuxuu socdaal ku tagi doonaa dalka Kuwait, ujeedada safarka ra’iisalwasaaraha ayaa ah ka qaybgalka tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh SabahAl- Axmed Al- Sabaah oo ku geeriyooday dalka Mareykanka 29-kii  Bishii September ee sanadkaan.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loo qabto,waxaana ka qayb geli doona inta badan hoggaamiyayaasha wadamada carbta iyo Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...