Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday Heshiis deyn cafin ah+sawirro.

Date:

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo sii hayaha wasiiirka maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood kaas oo lagu dhimayo dibna loogu qaabeynayo deyn Soomaaliya ay ku leeyihiin sadax hey’adood oo Dowladda mareykanka ah,waxaana heshiiskan goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay qeybtii uga soo aadday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris.

“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta la saxiixanay Dowladda Mareykanka Heshiis uu nooga cafiyay qaar ka mid ah deymihii uu Soomaaliya ku lahaa, iyadoo la fulanayo natiijada heshiiskii ay gaareen wadamada Paris Club oo Soomaaliya ka saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshisika ayaa Dowladda Mareynkanka  ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna  sidoo kale ku bogaadayay safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

“Saxiixa heshiiskan waxaa suurto gal ka dhigay Soomaaliya oo hirgalisay dib u habeyn dhaqaale oo muhiim ah islamarkaana gaartay bishii Maarso ee sanadkan 2020 marxaladii ugu horeysay ee deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Mareynkanka ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...