Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aadan xadgudubyo ka dhacay Suuriya.

Date:

Turkiga ayaa jimcihii diiday eedeynta uga timid guddiga sare ee xuquuqul insaanka QM oo ku aadan xadgudubyo ka dhan ah bini’aadanimada oo Turkiga ka geystay dalka Suuriya, sida lagu sheegay warbixin guddigu soo saareen.

“Waxaan diidan nahay eedeymaha aan xaqiiqada ku dhisneyn ee guddigu soo saareen,” ayaa lagu yri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Turkigu waxa uu hawlgalkiisa woqooyiga Suuriya ku micneeyey mid lagula dagaalamayo argagixisada caalamiga ah iyo kooxaha qaswadayaasha ah ee doonaya inay xasilooni darri ka abuuraan dalkiisa, dhibaatadoodana ay gaarsiiyaan dalal badan.

Talaadadii guddiga QM u qaabilsan baaritaanada dambiyada dagaal ayaa sheegay in Turkiga ay tahay in lagula xisaabtamo taageerada uu siiyey mucaaradka Suuriya oo geystay gabood fal ka dhan ah insaaniyadda oo ay kamid yihiin afduub, jir-dil iyo boobka hantida dadweynaha, sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay afartii bilood ee sanadkan 2020-ka ugu horraysay.

Guddoomiyaha guddiga sare ee xuquuqul insaanka QM Michelle Bachelet ayaa sheegtay in qeybo ka mid ah waqooyiga Suuriya maleeshiyaad Turkiga taabacsan ay ka geysteen xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta mucaaradka madaxweynaha Suuriya  Bishaar Al-assad, waxaana Turkiga uu gacanta ku hayaa waqooyi bari ee Suuriya oo ay xuduud wadaagaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...